Man City Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Bernardo Silva

0
176

Jowhar (Radio Isnaay) Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay meesha ka saartay iibka xiddiga Bernardo Silva suuqa xagaagan.

Xilli oo uu 3 sano uga dhimanyahay heshiisa xiddiga reer Porugal, Silva ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona suuqa xagaagan.

Xiddiga Bernardo Silva ayaa dhankiisa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo xitaa qirtay in uu isaga tagi karo kooxda.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Mirror, Man City ayaan wax niyad ah u hayn in ay iibiso xiddiga 27 jirka ah.

City ayaa ku dhawaatay in ay xagaagii hore iibiso xiddiga Bernardo Silva sabab la xidhiidha arimo shaqsi ah laakiin haatan waxa ay meesha ka saartay in ay iibiso xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here