Dab ka kacay keymaha dalalka Faransiiska Spain iyo Bortuqiiska.

0
147

JOWHAR (Radio isnaay)-Kumanaan kamid ah kooxaha dab damiska ayaa  la daala dhacaya daminta dab ka kacay dalalka Bortuqiiska, Spain iyo Faransiiska xilli dabka uu si xawaare leh u baahayo.

Waqooyiga Bortuqiiska, waxaa ku dhintay duuliyaha diyaarad ka qeyb qaadaneysay daminta dabka ku baahay deegaanka Foz oo u dhaw xadka Spain.

Dhinaca kale, dabka ayaa ku faafay gobolka Gironde ee dalka Faransiiska halkaas oo laga daadgureeyay in ka badan 12,000 qof.

Koonfurta Spain meel u dhaw gobolka Costa del Sol, waxaa halkaa isaga cararay dad ku dhaw 23,000 qof xilli dabka uu kusii baahayo keymaha ku yaalla buuraha Mijas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here