Madaxweynihii Sri Lanka oo dalkiisa ka cararay.

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Ninkan 73 jirka ah ayaa gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas (22:00 GMT), sida ay xogta ku heshay BBC.

Bixitaanka Rajapaksa ayaa soo afjaraya xukunka qoyska tobnaan sano gacanta ku hayay talada Sri Lanka.

Wuxuu ku jiray dhuumaaleysi kaddib markii dad badan ay Sabtidii xoog ku galeen gurigiisa.

Madaxweynaha ayaa hore u sheegay inuu is casilayo Arbacada 13-ka July.

Walaalkiis, wasiirkii hore ee maaliyadda Basil Rajapaksa, ayaa sidoo kale dalkaasi ka tegay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC-da. Waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here