Chelsea Waa Ku Guuleysteen Saxiixa Kalidou Koulibaly, Imisa Ayuu Gaarayaa.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Chelsea si fog ay ugu sii dhawaanayaan in ay soo afjaraan hishiiska ay ku doonayaan daafaca Napoli ee  Kalidou Koulibaly.

Chelsea ayaa dooneysa in ay iska xoojiyaan qadka daafaca ka dib markii xagaaga ay ka tageen Andreas Christensen iyo Antonio Rüdiger

Sky Sports ayaa goor  dhaw daabacday in Chelsea si weyn ugu dhaw yihiin in ay ku dhawaaqaan in ay ku guuleysteen saxiixa daafacaas Napoli

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Kalidou Koulibaly hishiiskiisa ay ku baxeyso aduun dhan 40 milyan oo euro

Waxa uuna Kalidou Koulibaly  qalinka ku duugayaa hishiis gaaraya 5 sano oo ku siman illaa iyo xagaaga 2027-ka waxa uuna sanadkii ku qaadanayo 10 milyan oo euro

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here