Haweeneey udhalatay Mareykanka oo ku doodday in canugga caloosheeda ku jiro loo xisaabo rakaab ahaan.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeney ku nool gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa ku doodday in canugeeda uurka ku jira ay tahay in loo tiriyo rakaab ahaan, kaddib markii lagu ganaaxay in ay gaari ku kaxeysay waddo aad u sarreysa oo loogu talagalay dadka degdegsan, waxaana sharuud ah in ugu yaraan laba qof ay yihiin.

Brandy Bottone, oo 32 jir ah, ayaa la siiyay tikidhka ganaax ah oo lacagtiisu tahay 275 doolar taariikhda marka ay ahayd 29-kii Juun ka dib markii ay joojiyeen booliska gobolka Texas rr Mareykanka.

Waxay markaasi ku doodday in, iyada oo la tixgalinayo sharciga xuquuqdii dastuuriga ah ee ilmo iska soo rididda, sidaa darteed in ilmaha uurka ku jira loo xisaabiyo qof ahaan.

Ms Bottone, oo leh uur 8 bilood iyo badh ah, ayaa qorshaynaysa in ay ka dooddo ganaaxaasi marka ay maxkamadda hor tagto.

Waxay sheegtay in shilkan uu dhacay kadib markii ay adeegsatay haadka dadka aadka u deggdegsan waxayna dooneysay inay soo qaaddo wiilkeeda oo lix jir ah. Markii ay ka baxaysay haadka, waxaa joojiyay booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here