Man United Oo Cristiano Ronaldo U Qabatay Wakhti Uu Tababarka Ugu Soo Laabto

0
168

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Xiddiga Cristiano Ronaldo u qabatay wakhti uu ugu soo laabto tababarka kooxda.

Cristiano Ronaldo ayaan ilaa haataan bilaaban tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo ku sugan dalkiisa Portugal.

Sida laga soo xigtay daily Mail, Man United ayaa Cristiano Ronaldo u sheegtay in uu diyaar u noqdo tababarka kooxdiisa marka ay aadaan dalka America.

Kooxda Man United ayaa todobaadka dambe u duuli doonta dalka America halkaas oo ay ku qabsan doonto tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here