Heerka sicir-bararka Turkey oo gaaray 78.6 boqolkiiba.

0
141

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Sicir-bararka dalka Turkiga ee bishii June ayaa gaaray 78.6 boqolkiiba — taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey muddo 24 sano ah, sida ay ku warrantay xog lasii daayey maanta oo Isniin ah.

Hase yeeshee qiyaas aan rasmi ah ahayn oo ay baahiyeen dhaqaalyahanno Turkish ah ayaa muujineysa in sare u kaca qiimaha ay laba jeer taas ka badan tahay.

Heerka sicir-bararka ee ay maanta shaacisay hay’adda tiro koobka Turkiga ayaa ah kii ugu sarreeyey tan iyo bishii Janaayo 1998-kii.

Heerak sicir-bararka ayaa bishii May ahaa 73.5 boqolkiiba, halka uu taagnaa 15 boqolkiiba sanadkii tegay.

Wasiirka Dhaqaalaha Nureddin Nebati ayaa Jimcihii wacad ku maray in qiimaha maciishadda ay billaabi doonaan inay hoos u dhacaan bisha December.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here