2-ad Sabab Ee Ay Liverpool Doonayso In Ay Heshiis Cusub Uga Saxiixato Naby Keita Oo la Ogaaday.

0
164

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Wakhtiga Naby Keita ee Liverpool ayaa ahaa mid niyad jab ah ilaa haatan marka la eego in ay kooxdu ka soo bixisay lacag dhan 52.8 milyan euro.

Xiddiga reer Guinea ayaa ahaa xiddig dhaawac u jilicsan ilaa haatan intii uu joogay kooxda Liverpool isaga oo kaliya 116 kulan u saftay kooxda.

Xilli uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga 2023 kooxda Liverpool ayaa go’aansatay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay James Pearce, Reds ayaa haatanba wadahadalo kula jirta xiddiga 27 jirka ah si ay heshiis cusub uga saxiixato.

Dhanka kale wargayska The Times ayaa sheeaya in ay jirto laba sabab oo ka dambaysa go’aanka ay Liverpool doonayso in ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga.

Sababta ugu horaysa ayaa ah in uu Klopp wali kalsooni ku qabo xiddiga khadka dhexe halka sababta 2-aad tahay in ay kooxdu ka fogaanayso in ay qaab xor ah ku waydo xiddiga xagaaga sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here