Puntland oo xal u heshay Shidaal la,aantii ka jirtay degaanadeeda

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dekedda magaalada Boosaaso waxaa ku soo xirtay markab sida shidaal badan Xilli ay degaannada Puntland ka jirtay baahi shidaalka noocyadiisa kala duwan ah maalmihii lasoo dhaafay.

Masuuliyiinta Dekedda Boosaaso ayaa sheegay in Markabkan uu 12 beri taagnaa badda, kaddib markii uu dekedda Boosaaso ka waayay meel uu kaga xirto, taas oo sababtay in sicirka shidaalka uu kor u kaco deegaannada Puntland.

Markabka markii uu soo xirtay waxaa dekedda buux-dhaafay gaadiidka shidaalka qaada, kuwaas oo shidaalka u kala daabulaya gudaha magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here