Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka Uganda oo xabsiga laga siidaayay

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa Jimcihii dammaanad ku sii daysay Kizza Besigye oo ka tirsan mucaaradka dalkaas, kaddib markii uu laba toddobaad ku jiray xabsi uu ku sugayay maxkamad, isagoo lagu eedeeyay inuu rabshado hurinayay.

Besigye, oo 66-jir ah, ayaa 14-kii June lagu xiray caasimadda Kampala isagoo hogaaminayay mudaaharaadyo looga soo horjeeday qiimaha maciishada oo cirka isku shareeray, waxaana lagu eedeeyay hurinta rabshado maalintii xigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here