Man United Oo Dalab Ka Gudbisay Saxiixa Lisandro Martinez

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Lisandro Martinez sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa Lisandro Martinez u calaamadsatay bartilmaameedkooda suuqa xagaagan iyada oo Erik Ten Hag doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa.

Sida laga soo xigtay wargayska MEN, Man United ayaa Ajax miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 38 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa Lisandro Martinez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here