WARBIXIN: Pogba, Di Maria, Dembele & Xiddigaha Heshiisyadoodu Dhici Doonaan.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa ay muddo 20 saac ah inaga xigtaa dhicitaanka heshiisyada xiddigo badan oo kubada cagta ah.

Xiddigaha Isco, Bale, Pogba, Marcelo, Dybala iyo xiddigo kale oo magac ku leh kubada cagta ayaa saacadaha soo socda noqon doona xiddigo xor ah.

Waxa lagu jiraa 30 bisha June taas oo la macno ah in ay dhici doonaan heshiisyada xiddigo badan oo kubada cagta ah kuwaas oo xor uga tagi kara kooxohooda.

Xiddigahaas ayaa xor u noqon doona saacadaha soo socda in ay ku biiraan kooxda ay doonayaan maadama ay bilaa koox yihiin isla markaas ayna heshiis kula jirin kooxna.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha saacahaa soo socda noqon doona xorta isla markaas heshiiskoodu dhici doono

  1. Paul Pogba: Xiddiga reer France ayaa ka tagi doona Manchester United, waxana ay u badantahay in uu ku biiro Juventus.
  2. Paulo Dybala: Weeraryahanka ayaa horay u macsalaameeyay Juve.
  3. Christian Eriksen: Heshiiska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brentford ayaa dhamaaday.
  4. Jesse Lingard: Xiddiga reer England ayaa isaga tagay Man United kadib sanado badan oo uu joogay Old Trafford.
  5. Corentin Tolisso: Xiddiga reer France ayaa isaga tagay kooxda Bayern Munich.
  6. Divock Origi. Weeraryahanka ayaa si bilaash ah ugu biiraya AC Milan.
  7. Ousmane Dembele: Xiddiga garabka ka ciyaara ayay u badan tahay in uu isaga tago kooxda Barcelona kadib markii uu ku fashilmay in uu heshiis cusub u saxiixo.
  8. Federico Bernardeschi: Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa laga yaabaa inuu ka tago Juventus.
  9. Henrikh Mkhitaryan: Kooxda Jose Mourinho ayaa waayi doonta xiddiga khadka dhexe.
  10. Angel di Maria: Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ka tagi doona PSG.
  11. Zlatan Ibrahimovic: Xiddiga khabiirka ah oo dhaawac xun soo gaadhay ayaa laga yaabaa in uu ciyaaraha ka fadhiisto.
  12. Andreas Christensen: Daafaca ayaa ah ciyaaryahan kale oo ka tagay Chelsea isagoo ah xor ah.
  13. Franck Kessie: Barcelona ayaa la soo wareegtay xiddiga reer Ivory Coast ka dib markii uu ka tagay AC Milan.
  14. .Isco: Xiddiga reer Spain ayaa isaga tagaya Real Madrid kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.
  15. Antonio Rudiger: Xiddiga reer Germany ayaa qaab xor ah haatanba ugu biiray kooxda Real Madrid kadib markii uu dhacay heshiiskiisii chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here