Jowhar – ( Radio isnaay ) – Hoteel weyn oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka ‘flying hotel’, oo ay dhammaan u dhameystiranyihiin waxyaabaha uu qofka u baahan karo sida goob jimicsi iyo barkad lagu dabaasho ayaa lagu wadaa inuu qaado 5,000 oo rakaab ah, isagoona awood u lahaan in uu hawada kujiro inkabadan sanad.
Diyaaradan qaaabka hudheel ahaanta ah u sameysan – ayna ku rakiban yihiin ilaa 20 matoor oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka – ayaa loogu talagalay inaysan waligeed soo degin.
Hashem Alghaili, oo ah ninka abuuray naqshada diyaaradan cajiibka ah ayaa sheegay in Hudheelka hawada ee ku shaqeeya nukliyeerka “uu noqon karo gaadiidka mustaqbalka “.
Fiidiyow laga sameeyay diyaaradan sida ay u ekaan doonto ee aadka loo faahfaahiyay,ayaa mujinaya in diyaaradan ay lahan doonto maqaayado, suuq ganacsi oo aad u weyn, goob jimicsi, tiyaatar iyo xitaa barkadda dabaasha oo ay dadka isticmaali karaan dhammaantod iyagoo hawada sare jooga.
Ilaaa hadda majirto cid ama shirkada ku dhawaaqday inay maal gilin d