Dowlada Soomaaliya iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar oo kawada hadlay Abaarta kajirta Soomaaliya.

0
162

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaloya Xassan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo bini’aaadannimada Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay Xildhibaan Ilhan Omar oo aqalka Congresska Mareykanka ku metesha Gobolka Minnesota.

Ergeyga ayaa Xildhibaan Ilhan iyo dowladdeeda Mareykanka uga Mahad celiyay garabsiinta ummadda Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen, isaga oo si gaar ah u xusay deeq 55 Malyuun ah oo dowladda Maraykanku deeqda Soomaaliya ugu kordhiyeen dhibaatada abaarta darteed, taas oo si gooni ah ay dedaal dheeri ah ugu bixisay Xildhibaan Ilhaan.

Intaas kadib waxa uu ergeygu ka dalbaday Xildhibaan Ilhan in ay laban laabto gacansiinta dadkeeda Soomaaliyeed, iyada oo codsigiisa ka warcelineysana waxa ay Xildhibaan Ilhan ballan qaadday in ay gacan ka geysato ka dhex ololeynta gudaha dowladda Mareykanka iyo sidoo kale dowladaha kale ee gacanta ka geysan kara arrimaha bini’aadannimo ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here