Mareykanka dad ka badan 40 qof oo tahriibayaal ah oo Meydadkooda laga dhex helay Gaari.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 46 qof oo la rumeysan yahay in ay yihiin dad muhaajiriin ah ayaa meydkooda laga dhex helay gaar ah nooca xamuulka qaada duleedka magaalada San Antonio, ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Sargaal ka tirsan shaqaalaha dab damiska ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah ayaa sidoo kale isbtaalka loola cararay.

Dadkii ka badbaaday dhacdadani ayaa waxaa “aad u kululaa jirkooda” waxaana ka muuqtay daal badan.

San Antonio, oo 250 km u jirta xuduudda Mexica ayaa ah waddada ay dadka soo mariyaan dad wax tahriibiya.

Charles Hood, oo ah madaxa shaqaalaha dab damiska San Antonio , ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka degdega ah ay yimaadeen goobta ka dib markii ay heleen warar sheegaya in halkaasi uu yaallo qof meyd ah.

Sida laga soo xigtay kanaalka KSAT TV, gaariga ayaa laga helay agagaarka waddooyinka tareenada ee dhanka Koonfur-galbeed ee San Antonio.

Tiro badan oo shaqaalaha gurmad deg deg ah, oo ay ku jiraan booliiska, dab damiska, iyo kuwa ambalaasta, ayaa la arkayay iyaga oo ku hareeraysan gaariga weyn ee meydadka laga dhex helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here