Man United & Ajax Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Frenkie de Jong.

0
159

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo ku sii dhawaanaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong kaas oo ay kala soo wareegayaan kooxda Barcelona.

Man United ayaa Frenkie de Jong ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa xagaaga iyada oo uu Tababare Erik Ten Hag dalbaday in loo keeno xiddiga khadka dhexe.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Man United iyo Barcelona maanta wada qaateen wadahadalo xasaasi ah oo ay ugu dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here