3 filim oo Shah Rukh Khan uu uga yaabiyay Bollywood-ka

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Filimkiisii ugu horreeyay abid, oo lagu magacaabo Deewana, waxa uu soo baxay maanta oo kale sanadkii 1992-kii.

Labadii filim ee ku xigtay ayuu sidoo kale gabi ahaanba ku qabsaday Bollywood-ka, kuwaasoo kala ahaa Baazigar iyo Darr oo soo baxay sanadkii ku xigay ee 1993-kii.

Dhowr sano kaddib, shaki kuma jirin in uu ahaa hoggaamiyaha cusub ee filimada Hindiya.

15-kii sano ee xigtay markii uu Bollywood-ka kusoo biiray waxa uu soo saaray filimo aad looga daba dhacay oo sanad kasta uu ku gilgilayay shaleemooyinka, guulo waawaynna uu uga soo hoyiyay box office-ka iibsada aflaanta.

Laakiin tobankii sano ee lasoo dhaafay waxa uu Shah Rukh Khan u muuqday in uu hoos u dhac samaynayay, isagoo ay ka fashilmeen dhowr filim oo uu soo dhigay.

Hase yeeshee tan iyo markii uu atooraha noqday ilaa hadda ma uusan soo bixin jilaa kale oo gaaray heerkiisa, ama darajada afka qalaad lagu dhaho “Superstar” oo micnaheedu yahay xiddigga ugu sarreeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here