Robert Lewandowski Oo Diyaar U Ah In Uu Qaado Tallaabo Adag Si Uu Ugu Biiro Barcelona.

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Robert Lewandowski ayaa diyaar u ah inuu qaado tillaabooyin adag oo Bayern Munich ugu qasbo in uu ku biiro Barcelona inta lagu jiro suuqa xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka ayaa la rumaysanyahay in uu heshiis 2 sano ah la gaadhay koxda Barcelona iyo hal sano oo dookh ah laakiin ka tagistiisa Bayern ayaa a mid adag.

Sida laga soo xigtay Sport, Bayern ayaa diidan in ay wadahadalo la qaadato Barcelona iyaga oo doonaya in ay sii haystaan xiddiga.

Si kasta ha ahaatee isla wargayska ayaa sheegaya in uu Lewandowski qaadi doono Tallaabooyin adag si uu Bayern ugu qasbo in ay ka iibiso Barcelona xagaagan.

Lewandowski ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda oo uuna doonayn in uu ku soo laabto kooxda Bayern Munich.

Xiddiga Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa in uuna soo xaadiri doonin tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub si uu Bayern ugu qasbo in ay ogolaato ku biiristiisa Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here