Maxakamadda Sare ee Mareykanka oo baabi’isay sharci dumarka u oggolaa inay ilmaha iska soo tuuraan

0
121

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxakmadda Sare ee Mareykanka ayaa maanta oo Jimca ah baabi’isay sharci ay horey u ayiday oo dumarka Mareykanka u ogolaanayay inay ilmaha iska soo xaaqi karaan, waxaana sharcigaas oo loo yaqiinay Roe v. Wade uu Mareykanka sharci ka ahaa tan iyo sanadkii 1973kii.

Waxa uu ka mid yahay sharciyada ugu muranka badnaa ee sida weyn u saameeya ololayaasha siyaasadda iyo doorashooyinka dalkan.

Sagaalka Qaadi ee Maxkamadda Sare ayaa go’aankan ugu codeeyay, ayaa lix ka mid ah oo sharcigan in la’aalo ogolaaday, hlaka saddexda kale ay diideen.

Go’aankan ayaa sidoo kale siinaya gobolada Mareykanka inay sharciyo u gaar ah oo arintan ilma iska soo ridista la xiriira sameysan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here