Baarlamaanka Yurub oo ansixiyay codsiga Ukraine ee ka mid noqoshada Midowga Yurub

0
111

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa Khamiistii si aqlabiyad leh ugu codeeyay in Midowga Yurub uu oggolaado musharaxnimada Ukraine.

529 ayaa u codeeyay mooshinka Ukriane ee ka mid noqoshada Yurub, 45 kale ay diiday, halka 14 xildhibaan oo kale aysan soo xaadirin. Baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Midowga Yurub ee Georgia iyo Moldova.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in tani ay tahay “waqti taariikhi ah oo ku jirta xiriirka Ukraine iyo mustaqbalka Ukraine ee Midowga Yurub”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here