QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warbixin uu soo saaray isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada Qaramada midoobay u qaabilsan  Soomaaliya Adam Abdelmoula ayuu ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo sidii gurmad  loo garsiin lahaa dadka ay saameeysay abaarta kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Adam Abdelmoula oo kamid ahaa Mas’uuliyiin booqday xerooyin  barakac oo kuyaalla Gobolka Gedo ayaa sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay dhibaatada ka dhalatay abaarta, isla markaana loo baahan yahay in dadkaas loo gurmado.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya si degdeg ah ayay uga sii xumaanaysaa. Durba 1.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la il daran nafaqo-xumo, waxaana fileynaa in 356,000 oo carruurtan ka mid ah aysan sii noolaan ilaa dhammaadka bisha Sebtembar ee sanadkan,” ayuu Abdelmoula ku yiri bayaan uu soo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here