Dhul-gariir xooggan oo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Afghanistan

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhul-gariir xooggan ayaa Aghanistan ku dilay ugu yaraan 250 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal maxalli ah.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad ku dhexjira guryo burburay oo ku yaalla gobolka Paktika.

Sarkaal ka tirsan dowladda hoose ayaa BBC-da u sheegay in dhimashadaasi oo haatan ka badan 250 qof ay suurtagal tahay in ay kororto. Dhul garika waxaa sidoo kale ku dhawaacmay in ka badan 150 qof.

Dhulgariirka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 44km u jirta magaalada Khost ee koonfurta bari ee dalkaasi.

Gariir ayaa laga dareemay in ka badan 500 oo kilomitir meel u jirta goobta uu ka dhacay dhul gariirka, sida ay sheegtay xarumaha saadaasha hawada eek u yaalla Pakistan iyo India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here