DEG-DEG: Arsenal Oo Laga Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Xiddig Premier League Ka Ciyaara.

0
140

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Leeds United ee Raphinha Sida laga soo xigtay The Athletic.

Arsenal ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda Leeds United si ay uga helaan xiddiga reer Brazil waxana ay xalay wakhti dambe ka gudbiyeen dalab Rasmi ah.

Laakiin Leeds United ayaa isla markiiba diiday dalabkaas maadama uu ka hooseeyo qiimaha ay Leeds ku qiimayso xiddiga Raphinha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here