Jack Wilshere Oo Arsenal Kula Taliyay In Ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Raphinha.

0
141

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Arsenal Jack Wilshere ayaa kooxdiisii hore kula taliyay in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga kooxda Leeds United ee Raphinha.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa ka tagi doona Leeds xagaagan iyada oo ay u muuqato in uu sii joogi doono Premier Leageu sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale xumo ee kooxda Barcelona.

Raphinha ayaa dhaliyay 11 gool premier League xilli ciyaareedkii hore waxana uu ka caawiyay kooxda in ay sii joogto premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here