QM oo sheegtay Qaxootiga iyo barakacayaasha dunida oo kor u dhaafay 100 milyan oo qof.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay  – Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaxootiga dunida ee UNHCR ayaa lagu sheegay in tirada dadka guryahooda ka qaxaya inay sare u kacday 8% sannadkii 2021 marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyey ee 2020, waxaana lagu qiyaasay inay tiradaasi gaadhay illaa 89.3 million oo qof sannadkii 2021.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sababaha dadkan ku kellifay inay guryahooda ka cararaan inay ugu wacan tahay dagaallada, rabshadaha, cadaadiska iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalkooda ka jira.

Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda qaxootiga dunida ee UNHCR ayaa sheegay in tirada barakacayaasha caalamku inay si aad ah sare ugu sii kacday tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Filippo Grandi ayaa sheegay in dagaalka Ukraine uu barakiciyey inta u dhexeysa 12 illaa 14 million oo qof, taas oo haddii lagu daro tirada dadkii dagaalada iyo colaaduhu barakiciyeen sannadkii hore ee 2021, in tirada barakacayaasha iyo qaxootiga caalamku inay haatan kor u dhaafeen illaa 100 million oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here