Min Lixda Ciyaarood Ee Ugu Soo Horreeya Man City & Liverpool Oo Isbarbar-dhig Lagu Sameeyey .

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isku-aadka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedka cusub ee 2022-23 ayaa maanta la shaaciyey, waxaanay koox walba ogtahay dariiqa ay u marayso xilli ciyaareedkeeda iyo sida ay iskugu diyaarinayaan 38ka kulan ee sugaya sida ay usoo kala horreynayaan.

Manchester City ayaa u dagaallami doonta in ay difaacato horyaalka ay sannadkii hore ku guuleysatay, halka Pep Guardiola uu afar ka mid ah shantii sannadood ee ugu dambeeyey uu kula guuleystay Premier League.

Liverpool ayaa iyadana ay ka go’an tahay in sannadkan aan laga furfurin horyaalka kaddib laba xilli ciyaareed si dhib badan ay Man City kaga qaadday, waxaana uu Jurgen Klopp la saxeexday saddex xiddig oo weerarka, khadka dhexe iyo difaaca ah, si ay ugu suurtogasho inuu horyaalka ka rito Manchester Ciyt.

Labada kooxood ayaa kulamo isku dhow ku bilaabanaya xilli ciyaareedka, waxaana Liverpool usii socda hoodada ay ku jirtay sannadihii ugu dambeeyey oo ah in ay kulankeeda ugu horreeya la ciyaarto kooxaha kasoo dallacay heerka labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here