Tartan Quraan oo ay illaa 20 dal ka qaybgelayaan oo ka furmay Maraykanka.

0
101

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Khamiistii shalay ahayd, waxaa magaalada Lanham ee gobolka Maryland ee ku taalla duleedka maagalada Washington DC ka furmay, Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo heer caalami ah, kaas oo ay ka qeybgalayaan dhalinyaro isaga kala yimid ku dhawaad 20 waddan oo caalamka ah.

Tartankan ayaa ah kii ugu horreeyay oo noociisa oo kela ah oo abid lagu qabto Mareykanka. Waxaa marti geliyay masaajidka Turkiga ee Diyanet Center ee gobolka Maryland, waxaana ka qeybgalaya ilaa 25 dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here