Victor Osimhen Oo Fariin U Diray kooxaha Doonaya Saxiixiisa.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Victor Osimhen ayaa shaaca ka qaaday in uu go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa wakhti dambe oo suuqa xagaagan ah xilli uu xiiso ka helayo kooxaha Arsenal, Man United iyo Real Madrid.

Weeraryahanka Napoli oo lagu qiimeeyo 100 milyan ayaa dhaliyay 18 gool 32 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Victor Osimhen ayaa u sheegay wargayska CalcioMercato in uu ogyahay in ay kooxo badan doonayaan saxiixiisa isla markaas go’aan qaadan doono marka uu ka soo laabto fasaxa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here