Masar iyo Israel oo kula heshiiyey Midawga Yurub in loo iibgeeyo gaasta dabiiciga ah.

0
128

Jowhar – ( radio Isnaay )  Dawladaha Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha gaasta dabiiciga ah ee wax lagu karsado, taasoo qorshaha heshiiskani yahay in dalka Israel uu gaasta dabiiciga ah u dhoofiyo suuqyada dalalka Midawga Yurub, iyada oo la sii marinayo laba wershadood oo ku yaalla dalka Masar.

Heshiiskan ayaa qalinka lagu duugay maalinimadii Arbacada, intii lagu guda jiray kulanka Madasha Bariga badda Mediterranean-ka, kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa in la ballaadhiyo iskaashiga dhinaca gaasta dabiiciga ah ee u dhexeeya dalalka Masar, Israel iyo ururka Midawga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here