Magaalo ku taalla Faransiiska oo u hiillineysa haweenka Muslimiinta ah.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Magaalada Grenoble ayaa dacwad u gudbisay maxkamadda ugu sarreysa Faransiiska taas oo ka dhan ah mamnuucid lagu soo rogay sharci cusub oo ay dhowaan magaaladu ku oggolaatay in dharka jirka daboolaya ee “burkini” ay haweenka Muslimiinta ah ku xirtaan goobaha lagu dabaasho.

Go’aanka Grenoble ee lagu oggolaanayo dhammaan dharka dabaasha, oo uu ka mid yahay burkinis, ayaa sababay inay isku dhacaan maamulka magaalada iyo dowladda Faransiiska.

Dharka Burkini waxaa inta badan xirta haweenka Muslimiinta ah, iyagoo doonaya inay ilaaliyaan xarragada iyagoon diintoodana ka tegin.

Balse gudaha Faransiiska, way adag tahay in meelaha dadku isugu yimaado uu qofku ku muujiyo diintiisa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa siyaasadda xirashada dharka Burkini ee magaalada Grenoble ku tilmaamay “wax aan la aqbali karin” taas oo lid ku ah dhaqanka cilmaaniga ku saleysan ee Faransiiska. Bishii la soo dhaafay, maxkamad ku taalla magaaladaas ayaa ka hor timid siyaasaddaas iyadoo go’aanka u cuskatay inuu ka hor imaanayo dhexdhexaadnimada adeegyada dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here