Shil tareen oo ka dhacay dalka Iraan.

0
164

JOWHAR (Radio isnaay)- Ugu yaraan 21 ruux ayaa dhimatay, tobanaan kalana waa ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay bariga dalka Iraan.

Tareenka oo ay saarnaayeen 348 rakaab ah ayaa ka soo baxay khadka u dhexeeya magaalooyinka Mashhad iyo Yazd oo qiyaastii 50km u jira magaalada Tabas.

Ku xigeenka madaxa tareenada ee Iran ayaa sheegay in shilkan uu yimid kadib markii tareenku uu ku dhacay goob ay qodis ka socotay oo u dhow wadada tareenka.

Dalka Iran ayaa waxaa sannadihii la soo dhaafayay ku soo badanayay shilalka tareennada kuwaasoo galaftay nolosha dad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here