Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rafael van der Vaart ayaa ku booriyay Frenkie de Jong inuu ku biiro Manchester United, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona loo sheegay u dhaqaaqista Old Trafford inay tahay mid ku habboon isaga.
Erik ten Hag ayaa doonaya in uu xiddigiisii hore ee Ajax kula midoobo Man United xilli uu doonayo in uu dib u dhis ku sameeyo koxdiisa ka hor xilli ciyaareedka.