Ku Biirista Darwin Nunez Ee Liverpool Oo La Xaqiijiyay.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Kooxda Almeria ee Turki Alalshikh ayaa u muuqda mid xaqiijiyay ku biirista Darwin Nunez ee kooxda Liverpool.

Kooxda Almeria oo ahayd kooxdii ay Benfica kala soo wareegtay Nunez ayaa heshiiska ka heli doonta 20% lacagta ay kooxda Benfica ku iibiso xiddiga.

Liverpool ayaa saacadihii ugu dambeeyay dar-dar galisay wadahaladadii iyo dadaaladii ay ku doonaysay saxiixa xiddiga reer Uruguay.

Madaxweynaha Almeria Turki Alalshikh ayaa bogiisa Twitter-ka u muuqda mid ku xaqiijiyay in heshiiska uu Nunez ugu biirayo Liverpool in la dhamaystiray.

Turki Alalshikh ayaa Bogiisa Twiiter-ka soo dhigay sawir Nunez oo xidhan maaliyada Liverpool isla markaas sii raaciyay “Love”Casaan ah calaamad dab ah iyo calaamad Libaax ah.

Waxa intaas sii dheer in Nunez uu saacadaha soo socda u duuli doono Liverpool si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda isla markaas lagu dhawaaqo heshiiskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here