Lamaane geeriyood daqiiqdo kadib markii ay ka soo bexeen goobtii arooska.

0
137

JOWHAR (Radio isnaay)- Lamaane kasoo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa geeriyooday daqiiqado uun ka dib markii ay dhacday xafladdii arooskooda, sida uu tabiyay wargeyska New York Times.

Harley Morgan wali wuxuu xirnaa jaakaddii madoobeyd ee uu xafladda arooska ku tagay, sidoo kale xaaskiisa cusubeyd ee Rhiannon Boudreaux iyaduna waxay xirneyd taajkii arooska.

Lamaanahan oo isjeclaa ilaa yaraantoodii ayaa ku geeriyooday qoyskooda hortooda, ka dib markii uu gaarigii ay saarnaayeen ku dhacay gaari weyn oo xowli ku socday.

Morgan, oo ahaa 19 jir iyo Boudreaux oo ahayd 20 jir ayaa ku dhintay isla goobta uu shilku ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here