Atariisho caan ah oo laga helay cudurka kansar-ka

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mahima Chaudhary oo atariisho ka ahayd filimo badan, sida Pardes, Sahar, ayaa maanta la shaaciyay in ay la xanuunsanayso cudurka kansarka.

Rug caddaaga Bollywood-ka, Anupam Kher, oo ay Soomaalidu u yaqaannaan “Aw Baska” ayaa ku dhawaaqay warka ku saabsan xanuunka Mahima, isagoo Baraha Bulshada soo dhigay muuqaal ay kula jirto atariishada caanka ah.

Mahima ayaa muuqaalka gudihiisa ku tiri: “Wax calaamado ah ma aanan qabin. Sanad walba waxaan tagi jiray dhakhtarka si aan baaritaannada joogtada ah u maro. Xilligan waxaan helay talo ku saabsan in aan baaritaan isku sameeyo. Isla markii aan maqlay taladaas, waxaan u tagay dhakhtarka anigoo aysan cid kale ila soconin. Dhakhaatiirta ayaa tijaaboouin iga qaaday waxayna ogaadeen in aan qabo kansarka nooca naasaha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here