7 Ruux oo ku dhimatay Shil Gaari oo ka dhacay dulleedka Gaarisa.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Inta la xaqiijiyay ilaa 7 Ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Shil Gaari oo ka dhacay inta u dhaxeeysa degaanka Thika iyo Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Shilka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Gaari Bas ah oo ay leedahay Shirkadda Palanet uu dulmaray Gaari yar oo ah nooca Toyoto ah xilli ay marayeen deegaanka Kanyonyoo aee ku teedsan waddada wayn ee xiriiriso magaalooyinka Thika iyo Gaarisa.

Gaariga yar ayaa ka yimid dhinaca Magaalada Gaarisa, isaga oo ku wajahnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalk Kenya, balse shilkaasi uu la kulmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here