Dooliyaal loo tababbaray in ay dadka ka soo badbaadiyaan goobaha ay ka dhacan musiibooyinka.

0
200

JOWHAR  (Radio isnaaay)-Saynisyahno ayaa ku guuleystay inay 7 jiir ama dooli u tababaran inay badbaadiyaan dadka ka badbaaday dhulgariirka iyaga oo xidhan shandado yar yar oo ay ku jiraan makarafoono iyo raadraacayaasha goobta si ay samatabbixiyeyaashu ula hadlaan dadka dhibanayaasha ah.

Todoba jiir ayaa loo tabobaray inay galaan gudaha dhismayaasha burburay hoostooda.
Saynisyahannada ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay qaadan doonto qalabeynta jiirarkan la tababaray si ay u howlgalan.

Saynisyahannada ayaa sheegay in sababta ay u doorteen jiirarkan ay tahay cabbirkooda oo aad u yara iyo firfircoonidooda taas oo ka dhigaysa inay door ka qaadan karan caawinta dadka ku go’doma goobaha ay ka dhacan dhul-gariirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here