Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson oo ka badbaaday codkii kalsoonida ee loo qaaday

0
146

JOWHAR  (Radio isnaay)-Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson Boris Johnson ayaa ku guuleystay taagerada aqlabiyadda xildhibaanada xisbiga Conservative-ka ee Britain

Ra’iisul wasaaraha ayaa boqolkiiba 59 ku guulesyatay codadka, Boris Johnson waxa uu sii ahaan doona hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo ra’iisal wasaaraha.
Xeerka hadda jira ayaa dhigaya in xildhibaannada xisbiga aanay cod kale u qaadi karin muddo sanad ah.

Dhamaan codadka 211 xildhibaan ayaa sheegay inay kalsooni ku qaban hogaanka Boris johnson halka 148 xildhibaan ay codkooda ku sheegen inay kalsooni ku qabin Ra’iisul wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here