Shiinaha oo Baadi goobaya Macdanta Dalalka Afrika.

0
136

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dawladda Shiinaha ayaa bilowday in macdanta Lithium-ka ay u doonato qaaradda Afrika. Macdantan oo aad muhiim ugu ah sameynta baabuurta korontada ku shaqeysa, una wanaagsan cimilada ayaa Shiinuhu uu kaalinta hore kaga jiraa dalalka doonaya in macdantan ay helaan.

Macdanta oo la siiyey magaca “birtii cagaarneyd” ayaa qiimahoodu uu kor u kacay 500% sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ganacsiga ee Bloomberg.

Sung Choi oo arrimaha macdanaha ku xiil dheer, kana tirsan BloombergNEF ayaa VOA u sheegay in “qiimaha Lithium uu kor u kacay sababtoo ah dhammaan shirdaha baabuurta sameeya ayaa bilaabay in kuwa korontada ku shaqeeya ay ku soo daraan.”

Mulkiilaha shirkadda Tesla ee baabuurta korontada ku shaqeysa sameysa, Elon Musk ayaa fariin dhinaca twitterka ah oo uu qoray ku sheegay in uu “waalli” noqday qiimuhu. Waxa uu intaas ku daray “Telsa waxa laga yaabaa in soo gasho qodista macdantan iyo sifeynteeda, taas oo xaddigoodu badan yahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here