Liverpool Oo Maraysa Wadadii Ay Kula Soo Saxiixatay Mohamed Salah Oo Kale

0
142

JOWHAR (Radio isnaay) Kooxda Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Tammy Abraham si ay ugu buuxiso booska Sadio Mane sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa suuqa ugu jirta saxiixa weeraryahan cusub iyada oo isku diyaarinaysa bixitaanka Sadio mane kaas oo xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda.

Saacadihii ugu dambeeyay waxa baraha bulshada isku soo tararayay warar sheegaya in uu Jurgen Klopp bartilmaameed ka dhigtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Roma ee Tammy Abraham.

Tammy Abraham ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxana uu wacdaro ka dhigayaa kooxda Roma halkaas oo uu ka dhaliyay 18 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Sidoo kale Tammy Abraham ayaa Roma kula guulaystay koobka UEFA Conference League isaga oo waliba kooxdiisa u dhaliyay goolal Muhiim ah.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa taageero weyn u ah xiddiga reer England waxana uu isku diyaarinayaa in uu u dhaqaaqo saxiixiisa inta lagu jiro suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here