Mohamed Salah Oo Ku Rajo Weyn In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool.

0
182

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa weli ku rajo weyn inuu heshiis cusub u saxiixo Liverpool.

Taasi waa sida laga soo xigtay Liverpool Echo, oo sheegaysa in uu xiddiga reer Masar ku rajo weyn yahay in horumar laga gaadhi doono wadahadalada heshiis kordhinta ee uu kula jiro kooxda.

Xiddiga Reds Salah ayaa la rumaysanyahay in uu si fiican u dagay kuna faraxsanyahay Kooxda Liverpool isla markaas doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool oo uu guulo la gaadhay kooxda.

Liverpool iyo Mohamed Salah ayaan wadahadalo ku jirin tan ilaa bishii December iyada oo kooxdu joojisay wadahadaladii heshiis kordhinta sabab la xidhiidha in ay diirada saaraysay xilli ciyaareedka.

Laakiin maadama uu haatan xilli ciyaareedku dhamaaday liverpool ayaa wadahadalo la bilaabi doonta xiddiga garabka ka ciyaara si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga.

Sidaas darteed Salah ayaa ku kalsoon in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda Liverpool isla markaas mustaqbalkiisa u hibayn doono kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here