Fernando Torres Oo Doortay Shaxdii Xiddigihii Ugu Fiicnaa Ee Uu Ka Soo Garab Ciyaaray Xirfadiisa Ciyaareed

0
223

JOWHAR (Radio isnaay) Halyeeyga reer Spain ee Fernando Torres ayaa doortay shaxdii ugu fiicnayd ee uu ka soo garab ciyaaray xirfadiisa ciyaareed waxana uu soo afjaray muranka Steven Gerrard vs Frank Lampard.

Torres oo haatan jira 38 sano ayaa ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta sanadkii 2019 waxana uu haatan noqday tababare hogaamiya kooxaha da’yarka.

Kadib markii uu ciyaaray tartamadii euro 2008 iyo 2012 oo uu xulkiisa kula guulaystay iyo waliba koobkii adduunka 2010, Torres ayaa ka soo garab ciyaaray xiddigo badan oo fiican.

Fernando Torres ayaa sidaas darteed soo xushay shaxdii ugu fiicnayd ee uu ka garab ciyaaray xirfadiisa ciyaareed isaga oo soo qaatay xiddigo magac weyn leh

Torres ayaa isku daray shaxda waxana uu inta badan ka soo qaatay xiddigaha xulka Spain halkaas oo uu kaga soo garab ciyaaray xiddigo fiican.

Sidoo kale Torres ayaa soo afjaray muranka midka fiican xiddigaha Steven Gerrard iyo Frank Lampard kuwaas oo labadoodaba ka soo garab ciyaaray isaga oo Gerrard ka doortay Lampard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here