5 Kooxood Ee Uu Paul Pogba Ku Biiri Karo Oo La Ogaaday.

0
154

JOWHAR (Radio isnaay) Paul Pogba ayaa suuqa ugu jira koox cusub kadib markii Man United xaqiijisay in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda kadib markii uu heshiiskiisu dhacay.

Pogba ayaa Man United dib ugu soo biiray lacag rikoodh ah sanadkii 2016 isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 89 milyan oo euro isaga oo kooxda kula guulaystay laba koob.

Waxa jirta 5 kooxood oo ay u badantahay in uu Paul Pogba ku biiro suuqa xagaaga kadib markii uu isaga tagay kooxda Man United.

Pogba ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin koox cusub waxana uu ka fiirsanayaa dookhyada u fiican si uu u doorto koox uu u ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay 5-ta kooxood ee uu ku biiri karo Pogba ay kala yihiin PSG, Juventus, Inter Milan, Rela Madrid Iyo Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here