Saxiixii Ugu Xumaa Prenier League Xilli Ciyaareedka Oo La Shaaciyay.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku ayaa loo doortay saxiixii ugu xumaa ee xilli ciyaareedkii 202/2022.

Lukaku ayaa ku soo laabtay Stamford Birdge xagaagii isaga oo kooxda ugu biiray lacag dhan 97.5 milyan euro kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Inter Milan.

Si kasta ha ahaatee xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee ku soo laabashada chelsea ayaan u shaqayn sidii la filayay iyada oo uu xiddigu kaliya ku bilowday 16 kulan premier League isla markaas dhaliyay 8 gool.

Lukaku ayaa sidaas darteed loo doortay saxiixii ugu xumaa ee laga sameeyay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Romelu Lukaku ayaa helay cod dhan 27.8% sidaasna ku noqday saxiixa ugu xun ee la sameeyay xagaagii hore ee xilli ciyaareedkii dhamaaday ciyaaray.

Xiddigaha Sual Niguez 25.1%, Jack Grealish 21.9% iyo Jadon Sancho 15% ayaa sidoo kale helay codad markii loo codaynayay saxiixyada ugu xun xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here