QM oo shaacisay tirada dadka ay abaarta ku saameeysay Soomaaliya

0
156

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xaaladda Soomaaliya ayaa ah mid aad u daran iyadoo 7.1 milyan oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 370,000 oo carruur ah ay abaaruhu saameen karaan ka hor dhammaadka sanadkan haddii aan la helin dadaal bani’aadamnimo oo ballaaran, ayuu yiri sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

“Haddii aanaan sare u qaadin oo aan wax ka qaban, nasiib darro, dad badan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 370,000 oo carruur ah, ayaa baabi’i doona ka hor dhammaadka bisha June. Taasi waxay kuu sheegaysaa sida xaaladdu u daran tahay,” Isku-duwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa ka sheegay Baydhabo oo ka mid ah meelaha ugu daran oo ay dhibaatada abaarta kajurto.

Ilaa 6.1 milyan oo Soomaali ah ayay saamaysay xaaladda degdegga ah ee abaarta tan iyo bishii May, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here