Lax lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kadib markii ay dishay haweenay.

0
163

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sida ay baahisay warbaahinta Eye Radio ee South Sudan, maxkamad maxalli ah ayaa saddex sanadood oo xarig ah waxa ay ku ridday neef ido ah kaddib markii lagu helay inay dishay haweeney ku sugneyd meel garoon ah.

Neefka idaha ah ayaa horraantii bishan waxaa lagu xiray South Sudan kaddib markii ay weerrartay haweeneyda, taas oo markii dambe u dhimatay dhaawacyadii soo gaaray, sida lagu sheegay warbaahinta MSN.

Booliska South Sudan ayaa dhanka kale u sheegay Eye Radio: “Neefka idaha ah ayaa hardi ku weeraray haweenayda oo heeraha ayey ka jajabisay, waxaana ay sheegeen in haweeneydu ay markiiba dhimatay.

Neefkaas ayaa markii uu soo dhammaysto xabsiga waxaa lagu qasbayaa inay la noolaato qoyska dhibbanaha.

Sida lagu baahiyay warbaahinta NDTV, maxkamad maxalli ah ayaa waxa ay kaloo xukuntay in ninkii lahaa neefkaasi idaha ah, Duony Manyang Dhal, ay tahay inuu bixiyo shan sac oo la siiyo qoyska dhibbanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here