Frenkie de Jong Oo Fariin Cad U Diray Man United,

0
152

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa iska diiday ku biirista Kooxda Man United isaga oo sheegay in uu doonayo sii joogista kooxdiisa.

Xiddiga Frenkie de Jong ayaa xiiso ka helaya kooxda Man United iyada oo tababare Erik Ten Hag doonayo in uu ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Barcelona ayaa dhankeeda diyaar u ah in ay iibiso xiddiga hadii ay helaan dalab aad u sareeya inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga

Laakiin Frenkie de Jong ayaa iska diiday ku biirista Man United isaga oo doonaya in uu sii joogo kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here