Dowladda Ingiriiska oo fursad siinaysa ardayda ka soo qalinjebiyay jaamacadaha qaar ee dunidda.

0
205

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Aqoonyahannada ka qalinjebiya jaamacadaha ugu sarreeya adduunka ayaa fursad loo siin doonaa inay tagaan waddanka UK, iyagoo ka faa’iidaysan doona barnaamij cusub oo ay ugu talagashay dowladda.

War kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in barnaamijka ay fiisaha ku heli karaan ‘dadka ay suurtagalka tahay inay heer sare iyo horumar gaaraan’. Wuxuu furmayaa maanta oo Isniin ah. Ujeedku waa in lagu soo jiito ‘dadka ugu fiican uguna firfircoon’, iyadoo looga faa’ideysnayo in lala qabsado billowga nolosha shaqaalennimo ee ardaydaas.

Barnaamijkan ayaa loo qoondeeyay ardayda kasoo baxa jaamacadaha aan ku oollin UK, gaar ahaan kuwa qalin-jebiyay intii lagu jiray shantii sano ee lasoo dhaafay.

Aqoonyahannadan ayaan lagu xiri doonin wax shuruud ah oo ku saabsan meesha ay ku dhasheen, umana baahnaan doonaan oggolaansho-shaqo si ay dal-ku-gal u dalbadaan.

Dadka ku guulaysta barnaamijkan ayaa la siin doonaa dal-ku-gal-shaqo (work visa) oo labo sano ah, haddii ay haystaan shahaadaha heerka koowaad ee bachelor-ka ama master-ka, halka dadka haysta PhD-ga la siin doono fiiso saddex sano ah.

Kaddib waxa ay fursad u haystaan inay qaataan fiiso-shaqo oo waqti dheer ah haddii ay shuruudo cayiman kasoo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here