Gabriel Magalhaes Oo Ka Hadlay Wararka Arsenal La Xidhiidhinaya Gabriel Jesus.

0
306

JOWHAR (Radio isnaay)Daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa taageeray dadaalka ay Arsenal ku doonayso saxiixa Xiddiga Man City ee  Gabriel Jesus.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu ugu yaraan la soo saxiixdo hal weeraryahan kadib markii uu suuqii January lumiyay Pierre-Emerick Aubameyang isla markaas lumin doono xiddiga Alexandre Lacazette xagaaga.

Arsenal ayaa Jesus u calaamadsatay bartilmaameedka 1-aad waxana ay haatanba wadahadalo la qaadatay wakiilkiisa.

Gunners ayaa tartan adag u galaysa saxiixa Jesus iyada oo ay jiraan kooxo champions League ka ciyaara oo doonaya saxiixa xiddiga.

Laakiin Gabriel Magalhaes ayaa doonaya in Arsenal ay dhamaystirto heshiiska saaxiibkiisa xulka qaranka Brazil.

“Waxa aan iska garab ciyaarnaa xulka qaranka laakiin ma jiraan wax la hubo”ayuu Gabriel Magalhaes Yidhi.

“Shaki la’aan waa xiddig tayo leh hadii uu Arsenal ku soo biiro si weyn ayuu noo caawin doonaa”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here