Shacabka Reer Uganda oo wajahaya sicir barar bahsan oo dhanka maciishada.

0
253

JOWHAR  (Radio isnaay)-Dadka ku nool dalka Uganda ayaa xiligan la dalaa dhacaya sicir barar ku yimid qiimaha raashinka quutul daruuriga oo sare u kacay ku dhawaad 5%.

Qiimaha raashinka qaar oo sarey u kacay ayaa dadka reer Uganda ku kalifay inay iska dhaafa inay cunaan maadaam aysan awoodin inay iibsadan.

Dr. Ibraahim Kasire oo ka tirsan xarunta cilimi baarisata , siyaasadda iyo dhaqaalaha ee dalka Uganda ayaa sheegay in ay dowlda waxba ka qaban karin xaaladda dhaqaale ee uu haatan wadanka ku jiro.

Colaada ka dhax aloosan dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sicir barar ku keentay qiimaha raashinka, shidaalka iyo wax soo saarka maadaam labadan dal ay ka mid yihiin dalalka inta badan wax u dhoofiya dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here